Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday dad loo heystay in ay ku lug lahaayeen Qaraxii Diyaaradda Daallo Airline gudaheeda la dhacay 2 Bishii February ee 2016.
Waxaa u aqriyay Saxaafadda Xukuunadda eedeysanayaashaasi Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute kaas oo sheegay in C/wali Maxamuud Macow iyo Careys Xaashi Cabdi oo maqane ah ay ku riday xukun cimrigaa haku furto ah ama xabsi daa’im.
C/wali Maxamuud Macow oo uu adeer u yahay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen ( Muungaab ) ayaa ahaa madaxii amniga ee hey’adda duulista iyo saadasha hawada ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, kana tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Nabad Sugida ayaa lagu helanay in uu mas’uul ka ahaa diyaarintii laptopkii lagu qarxiyay diyaarada Daallo Airline sida uu ka dhawaajiye guddoomiye Shuute.
Maxkamadda ayaa sidoo kale cadeysay Careys Xaashi Cabdi oo maxkamadda ka maqanaa in ay ku heshay in uu katirsanaa Al-shabaab isla markaana ahaa gacantii koowaad ee abaabushay weerarkii diyaaradda Daallo, uuna maalgeliyay shirqoolkaas waa sida Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad uu hadalka u dhigaye.
Sidoo kale, Abshir Maxamed Macalin Axmed, Safiyo C/laahi Xasan Cali waxaa ay ku xukuntay afar sano oo xabsi ciidan ah, halka Liibaan Maxamed Yalaxow, Cumar Muxudiin Xuseen (Qoorey) iyo Maxamed Cabdi Cilmi ay ku riday xukun ah min hal sano oo xabsi ciidan ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale waxaa ay xukun min lix bilood oo xabsi ciidan ah ku riday dadka kala ah; Bashiir C/laahi Afrax, Cali Nuur Salaad Diiriye iyo Aadan Daahir Diiriye.
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida, sidoo kale waxaa ay fasaxday shan oo lagu wayay wax dambi ah, wxayna kala yihiin; Cumar Macalin Calasow, Cali Maxamuud C/raxmaan, C/laahi C/qaadir Abuukar, Ismaaciil Maxamed Xirse iyo Faarax Khaliif Cali Maxamed.
Qaraxii Diyaaradda Daallo ayaa dib rajo beeliyay dalal badan oo damac uu uga jiray in duulimaadyo caalami ah ay ka hirgaliyaan Soomaaliya kadib markii Saraakiil sar sare oo hay’adaha ammaanka ka tirsan ay ku lug yeesheen dhacdadaas.