Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa maanta waxaa Magaalada Muqdisho uga furmay Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa sheegay in Shirka Madasha uu Madaxda soomaalida u socon doono Mudo Labo Beri ah.
Shirka oo la filayo in looga hadlo qaabka doorashada Bisha August ka dhacaysa Magaalada Muqdisho iyo Caasimadaha Maamul Goboleedyada ayaa lagu soo hadal qaadi doonaa Maqaamka ay yeelan doonto Magaalada Muqdisho iyo in dadka ku nool Gobolka Banaadir ay Matalaad ka helaan Aqalka Sare ee Soomaaliya loo sameynayo.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in Madasha wada-tashiga ay ka shiri doonaan qaabkii shacabka ku nool muqdisho ay Matalaad lagu qanco ugu yeelan lahaayeen dhismaha Aqalka Sare.