TOP:Mourinho Oo Qarka U Saaran Inuu Qandaraas U Saxiixo Man United Xilli Jorge Mendes Iyo.

0

Jose Mourinho ayaa ku dhow inuu heshiis shaqsi ah la gaaro Manchester United si uu u noqdo tababarahooda cusub, sida ay sheegeyso Sky Sports.

Wariyaha Sky Sports Andy Burton ayaa sheegaya in ilo lagu kalsoonaan karo inay u sheegeen in durbaba wax badan la isku raacay islamarkaana ay harsan tahay kaliya faahfaahino yar oo qandaraaska la xiriira, waxaana si rasmi ah heshiiska loo shaacin doonaa 48da saacadood ee soo socota.

Waxaa la filayay in wakiilka Mourinho, Jorge Mendes iyo madaxa Man United Ed Woodward inay ku kulmaan maanta magaalada London si ay heshiis uga wadahadlaan, laakiin ilaha ay soo xiganeyso Sky Sports ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay ku dhow yihiin inay heshiis gaaraan ka dib wadahadalo dhanka taleefanka ah oo ay yeesheen iyo fariimo email ah oo isku dhaafsadeen xalayto ilaa iyo saaka.

Qareenada kooxda Manchester United ayaa haatan loo sheegay inay qoraan dukumiintiyada qandaraaska taasoo la micno ah in kulankii maanta London ku dhexmari lahaa Woodward iyo Mendes inaan loo baahaninba.

Ilo ku dhow wadahadalada ayaa u sheegay Sky Sports in wadahalada ay ahaayeen kuwa sahlan waxaana taasi ugu wacan rabitaanka Mourinho ee shaqada tababarenimo ee Manchester United, waxaana ay filanayaan in heshiiska la saxiixo 48da saacadood ee soo socota.

Sky Sports waxa ay sidoo kale sheegeysa in lacag aysan marnaba aheyn wax uu ka walwalsanaa Mourinho, islamarkaana uu u dhiiran yahay howsha ah inuu Manchester United ku soo celiyo booskii ay ka laheyd kooxaha waa weyn ee Yurub.