DHAGEYSO:- Taliska Booliska puntland oo sheegay inay la wareegeen Guri ay ku sugnaayeen rag ka tirsan Al-shabaab, 15 qofna ay Xabsiga dhigeen

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen 15 nin oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo sida Booliska ay sheegeen hubaysnaa.

Raggaan ayaa laga soo dhex qabtay guri ku yaalo Magaalada Garowe oo ay ku sugnaayeen, kadib markii ciidamada ammaanka ay heleen xogo la xiriira in gurigaasi ay ku sugan yihiin rag Shabaab ka tirsan oo hubaysan.

C/raxmaan Abshir Faarax(Qaan-qaan) Taliyaha Booliiska Gobolka Nugaal, ayaa sheegay 15-ka ruux inay hada xiran yihiin oo ciidamada Booliska ay gacanta ku hayaan.

“Waa jiraan rag aan soo qabanay oo direskooda wata iyo Booshashkoodi wata oo hal meel wada degan ayaan soo qabanay Ciidamada ammaanka iyo Guddoomiyaha Gobolka ayaan aheyn 15 nin ayeey ahaayeen waan soo qabanay kuwa kale oo dhalinyaro ah waa ay jiraan iyagana waan ku raadjoognaa.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Nugaal.

Ciidamada Booliska ayaa la wareegay guriga lagu soo qabtay raggaasi ka tirsan Ururka Al Shabaab, maadaama horay Booliska ay awaamiir uga soo saareen in ciidamada ay la wareegi doonaan gurigii lagu qabtaa rag Shabaab ka tirsan.

Magaalooyinka Maamulka Puntland ayaa ammaankeeda si weyn loo adkeeyay, wixii ka dambeeyay markii Xoogaga Shabaab ay galeen deegaano ka tirsan Puntland oo dagaal ay ka bilaabeen.

Puntland ayaa sheegtay inay ka feejigan tahay Qaraxyo iyo dilal  qorsheysan oo Shabaabka ay ka geystaan Deeganada Maamulkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-