Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la filayaa inuu furo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo shalay dib u dhacay.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Shalay sheegay inuu dib u dhacay Furitaanka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka ayaa Xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaaliya uu furayo Kalfadhiga 8-aad oo ah kii ugu dambeeyay ee Baarlamanka hadda jira uu yeelan doono.
Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay si buuxda u xaqiijinayaan Amniga.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor yaalla Sharciyo badan oo la doonayo in la dhameeyo,balse waxaa yar waxqtiga Dowladda Federaalka u haray oo kusiman mudo Afar bil ah.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-