Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir ay isugu imaanayaan madaxda Soomaaliyeed, kaas oo ay kaga hadlayaan doorashada Soomaaliya ee la filayo in sanadkaan ay dalka ka qabsoonto.
Shirkaan ayaa waxaa ka qaybgalaya madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul gobaleedyada sida Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo wakiilo ka socda gobalada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Shirkan ayaa ah kulankii ugu dambeeyay ee kulamada shirka Madasha Qaran, kaas oo soo maray marxalado kala duwan islamarkaana Hoggaamiyaasha dalka ay go’aan mideysan kaga gaarayaan habka ay u dhici doonto Doorashada dhawaan la filayo in ay ka dhacdo dalka Soomaaliya.
Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada ee soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa dhamaantood rajo wanaagsan ka muujiyay shirkaan maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.
Horay ayaa waxaa leesugu raacay in doorashada ay dhacdo waqtigeeda oo wax mudo kordhin ah aanan loo samayn dowlada hada jirta ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhowaaan ayay ahayd markii Puntland ay aqbashay nidaamka 4.5 oo ay wax badan diidaneet, waxaana dowlada iyo Puntland ay heshiis kuwada saxiisdeen magaalada Garowe.
Hoos ka Dhageyso Codka:-