Mas’uuliyiin ka tirsan dawlada Biljimka ayaa sheegay in kooxdii bishii hore ee weerartay garoonka diyaaradaha iyo goobta tareenadda laga raaco ee caasimada Biljimka ku yaala ay damacsanaayeen sidoo kale inay weeraraan caasimada dalka Faransiiska.
Dacwad ooge dawlada ka tirsan ayaa u sheegay warbaahinta in shaqsiyaadka ay hayaan u sheegeen in sidoo kale ay diyaariyeen qorshe lagu weerarayo mar kale xarunta dalka Faransiis ee Paris.
Meelaha ay qorsheeyeen inay weeraraan meelaha iskugu yimaado iyo xarumo dawladeed.
Maxamed Abrini oo ka mid ah shaqsiyaadka loo haysto weerarkii Brasalis ayaa u sheegay hay’adaha amaanka in markii hore qorshahoodu ahaa inay Faransiiska weeraraan laakiin weerarkooda u weeciyeen dalka Biljimka markii ay ciidamada Biljimku xireen Saalax C/Salaan oo ka mid ah kooxdii diyaarisay weerarkii magaalada Paris lagu qaaday bishii November sanadkii hore.