DHAGEYSO:- Haweenay Soomaaliyeed oo magdhow ka codsatay mareykanka

0

Haweenay soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xamdi Cali  ayaa dowladda maraykanka waxay ka codsatay in la siiyo magdhow maadaam ay dhowr sano u xirneyd  si sharci dara ah.

Xamdi da’deedu 26 jir waxayna 6 sano ku xirneyd dalka maraykanka gaar ahaa maagaalaada Saint paul ee gobolka  Minnesota ee  dalka maraykanka.

Haweenaydaan Soomaaliyeed ayaa xoriyadeeda dib u heshay  3 isbuuc ka hor, waxayna dacwad ka gudbisay lamaaha amaanka ee dalka maraykanka,maadaam ay si sharci dara ah ku xiraneyd muddo dhan 6 sano ilaa iyo xiligaana aysan jirin danbi muuqda oo lagu soo oogay.

Wargeyska warkaan qoran ayaa Xamdi waxaa uu ku sheegay 20 jir markii la xiraayey waxaana xabsiga laga soo daayey iyada oo jirta 28 sano jir.

Danbiga lagu soo oogay xamdi markii la soo xiraayey ayaa lagu sheegay in ay ka mid aheyd haweenka jirkooda iibiya in ay kala gudbin jirtay maagaalooyinka waa weyn ee dalka maraykanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-