Wararka inaga soo gaaraya magaalada Jowhar ayaa waxa ay sheegayaan in shirkii maanta lagu balansanaa in uu ka furmo magaalada Jowhar uu baaqday.
Waxaana wararka ay sheegayaan in shirkaasi uu dib u dhacay, iyadoo odayaasha ka soo jeeda gobolka Hiiraan ay ku sugan yihiin magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in shirka maalinta Isniinta si toos ah loo soo dhameystiri doono xubnaha ka maqan, waxaana lagu wadaa maalinta Talaadada ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 12-04-16 uu dib uga furmo Jowhar shirka wajiga labaad ee maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Dhawaan ayay aheyd markii wasiirka arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Odawaa uu ku dhawaaqay in shirkaasi uu furmo 09-04-16.