DHAGEYSO:- Nabadoon Caan ah oo lagu dilay Degaanka Garasweyne ee Gobolka Bakool

0

Koox Hubeysan ayaa Degaanka Garasweyne oo hoosyimaada Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool ku dilay Nabadoon Caan ah oo degaanada Koofur Galbeed si weyn looga yaqaano.

Nabadoonka ayaa lagu Magacaabi jiray Axmed Xuseen Maxamuud,kaas oo ka mid ahaa Dadka daganaa Degaanka Garasweyne islamarkaana ay dileen Koox Hubeysan.

Goobjooge ayaa noo sheegay in Ragg Saddex ka kooban ay dileen Nabadoonka,kuwaas oo dilka ka dib goobta ka baxsaday.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa halkaa gaaray.kuwaas oo baaritaano ka sameeyay Degaanka uu Dilku ka dhacay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-