WAR DEG DEG:- Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud

0

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Saakay Dagaal kula wareegay Degaanada Jacar iyo Dari oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Huwanta ah ay dagaal ku qabsadeen Labadasi Degaan oo Qiyaastii 40 KM dhanka Koofur kaga beegan Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa Sababay Dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray Dhimacyada Dagaalamay,inkastoo aan wali tirada la hayen.

Degaanada Jacar iyo dari oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa Mudo aad u badan waxaa Maamulayay Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

WIXII KU SOO KORDHA KALA SOCO ALLGALGADUUD MEDIA