Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa caawa gacanta waxa ay ku dhigeen Gaari la sheegay in uu ka dambeeyay hoobiyeyaashii cawa lagu soo tuurey degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.
Ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan ayaa israsaaseen yar ay dhexmartay, waxaana la sheegay in gaariga ay la socdeen 4 ruux.
Gaariga la qabtay nuuciisa ayaa waxa uu yahay Caasi ama gaariga dadweynaha ay raacaan, iyadoo la sheegay in gaariga ay saarnaayeen hoobiyeyaal iyo hub kale.
Saraakiisha dowladda ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada booliska ay gacanta ku dhigeen kooxo la sheegay in ay ka dambeeyeen hoobiyeyaal gudaha Muqdisho cawa laga tuuray.
Waxaana gaariga lagu qabtay agagaarka isgoyska Xaaji Baasto ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Booliska iyo kuwa nabad sugidda ayaa iminka ku howlan baaritaanada kooxaha saarnaa gaariga Caasiga ah ee Hoobiyaasha laga soo tuuray.