Tahriibayaasha ayaa ku jeedey dalalka Yurub markii doontu degeysey, waxaana saarnaa doonta degtey dad ka badan 131 qof oo u dhashey dalal kala duwan. Ciidamada badda ee dalka Masar ayaa ilaa hadda soo badbaadiyey 105 qof.
Ugu yaraan 13 qof oo Soomaali ah ayaa la aaminsan yahay in ay baddu liqdey kadib markii doonta ay saarnaayeen ay ku degtey meel aan ka fogeyn biyaha dalka Masar, sida ay qoreen qaar kamid ah wargeysyada dalka Masar.
Waxaana wali jira dad ay baadigoobayaan ciidamada dalkaas waxaana suurta gal in kuwaas ay kujiraan soomaali.
Dalka Masar ayaa ka mid ah dalalka ay ka soo baxaan Muhaajiriinta doonaya in ay soo gaaraan Midowga Yurub, iyada oo xaaladda qaxooti ee Midowga Yurub ay noqotey mushkiladda ugu weyn ee Midowga la soo deristey sanadihii u danbeeyey.
Dalka Masar ayaa waxaa sanadyadii lasoo dhaafay ku dhintay muhaajiriin aad u farabadan kuwaasoo kasoo jeeda dalka Afrika iyo Bariga Dhexe.