DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo fariin adag u dirtay Qurbo Joogta, kuna amartay iney hal arrin sameeyaan

0

Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa ka dalbaday Hay’adaha Islaamiga ah ee hoostaga Ururuka Iskaashiga in waqti ka yar 24 saac ay uga soo jawaabayaan baaqa dowladda ee Gurmadka Abaaraha, isagoo raja wanagsan ka muujiyay in waqti fiican ay hay’adaha samafalka ka soo jawaabi doonaan.

“Balanqaad fiican ayay sameeyeen Hay’adaha Islaamka, waxaana rajaynaynaa inay uga soo jawaabaan wax ka yar 24 saac, waxaana leeyahay markale waa inaan la siyaaasadeen gurmadka Hay’ad walba ama qof walba waa inuu ugu gurmadaa siduu awoodo” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha.

Wasiiro Dowlaha ayaa qurba Joogta Soomaaliyeed u diray fariin ah inay si xoogan uga qeyb qaatan Gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeeleeyeen abaaraha.

Hadalkaan ayuu Wasiir Xidig ka sheegay ka dib Kulan looga hadlayay doorka Hay’addaha Samafalka ee hoostaga Ururka iskaashiga Islaamka ay uga qeyb qaadan lahayeen gargaarka deg dega ah ee loo fidinayo dadka ay abaaruhu sameeyeen oo lagu qabtay magaalada Mqudisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-