DHAGEYSO:- Maxay tahay Sababta ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda u geli la’yihiin Degmada Aadan Yabaal?..

0

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa la xaqiijiyay iney weli ku sugan yihiin duleedka Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe maadaama la sheegay in aysan Al-shabaab ku sugneyn degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal Maxamuud Sheekh Xasan ayaa ku sheegay sababta ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay u geli la’yihiin Degmada Aadan Yabaal inay tahay in ciidamada aysan amar  u qabin gelitaanka Degmadaasi.

Waxa uu sheegay in ciidanka laga xukumo gobolka Hiiraan isla markaana aysan amar u qabin iney gudaha u galaan degmadaasi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal wuxuu sheegay shacabka Magaalada ku nool inay u baahan yihiin Nidaamka Dowliga ah, maadaama muddo sanado badan ah ay Al-Shabaab maamulaayeen degmadaasi.

Waxa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha in ay degan tahay xaalada guud ee Degmada Aadan Yabaal.

Hoos ka Dhageyso Codka:-