DHAGEYSO:- Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shacabka Koofur galbeed ugu baaqay hal Arrin oo la wada sugaayay

0

Madaxweynaha maaulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu sheegay in dhibaatada heysta dhalinyarada iyo caruurta aaas aaskooda ay ka yimaadaan iskuulada iyo dugsiyada ku yaalla deegaanada iyo degmooyinka ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

Waxaana uu sheegay in ay kormeer buuxa ku sameyn doonaan xarumaha waxbarashada si ay ula socdaan dhaq dhaqaaqa macalimiinta.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo hadlkiisa sii wata ayaa waxa uu dar daaran ujeediyay waalidiinta dhalay caruurta, iyadoo uu sheegay in ay ka war hayaan caruurtooda.

Dhanka kale madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-