WAR DEG DEG:- Dad badan oo loo Xerxeray Dil ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay Guddoomiyaha maamulka degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir Cumar Meyre Macow waxaa tiro dad ah loo soo qabtay dilka Askari Minishiibiyada degmadaasi ka tirsanaa lagula kacay.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in 8 qof oo haweeney ay ka mid tahay ay u soo qabteen falkaas oo uu sheegay in ay u gudbiyeen Xarun dambi baarista ee CID, halkaas oo baaritaanno looga hayo.

Soo qabashada dadkani loo heysto kiiska dilka Askarigaasi Minishiibiyada ka tirsanaa ayaa ka dambeysay ka gadaal howlgal ciidamada ammaanka degmada Dharkeynleey ay ka sameeyeen Xaafadaha degmadaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku sii kordhayay dilalka oo ay geystaan kooxaha hubeysan.

Seddexdii maalin ee u dambeysay oo maanta ay ku jirto ayaa siyaabo kala duwan waxa y uga dhaceen degmooyinka, Wadajir, Boondheere, Xamarweyne iyo Dharkeynleey ee Magaalada Muqdisho.

Arrimahaan oo dhan waxa ay dhacayaan iyaddoo ammaanka Gobolka Banaadir loo xil saaray maamulka Gobolka Banaadir.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgalladii ugu dambeeyay ku soo qab qabtay tiro dhalinyaro ah  oo intooda badan guryahooda lagala soo baxay , hayeeshee waxaa xusid mudan dilalka Magaalada ka dhacay kooxaha fuliyay qaarkood in ay  siteen qoryo AK47 iyo BKM-yo ah kadibna falalka dilalkaasi kadib goobaha ay wax ka dhaceen ka baxsadeen.