DHAGEYSO:- Haweeneydii lagu dilay Muqdisho oo lagu aasay dalka Asarbajaan

0

Haweenay u dhalatay dalka Azerbaijani oo lagu magacaabo Kamala Ismayilove oo 34 sano jir aheyd oo lagu dilay shan maalin ka hor magaalada Muqdisho ayaa aas loogu sameeyay gobol ku yaala dalkaasi.

Haweeneyda ayaa lagu aasay xaafada Lakchilpaq oo ka tirsan magaalada Goychay ee dalka Asarbajaan, iyadoo ay ka qeyb galeen waalidiinta haweeneydaasi.

Haweeneyda ayaa markii la tooganayay waxay saarneyd gaari bas ah waxaana la saarnaa muwaadiniin kale uu u dhashay dalka Turkiga, waxaana ku dhimatay rasaas gaarigooda lagu furay ku dhawaad 5 ruux.

Haweeneyda ayaa la sheegay iney macalin aheyd.

Labo wiil oo lagu kala magacaabo Nihad oo 12 sano jir ah, iyo Nijat oo 10 ayaa sidoo kale la sheegay in lagu dhaawacay weerarka hooyadood lagu dilay.

Haweenayda ayaa muddo badan ku nooleyd dalka Turkiga waxaana ay markii shaqo usoo aaday dalka Soomaaliya, waxaana ay la shaqeyneysay shirad laga leeyahay dalka Turkiga

Hoos ka Dhageyso Codka:-