DHAGEYSO:- Waxgaradka gobolada Baay iyo Bakool oo Fariin adag u diray madaxda Puntland, uguna baaqay iney joojiyaan hal arrin

0

Malaaq Deeroow oo ka mid ah Waxgaradka ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ayaa ka hadlay dhibaato uu sheegay in Maamulka Puntland ay ku hayaan shacabka ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool eek u nool deegaanada Puntland.

Waxa uu sheegay in aysan wanaagsaneyn in la faquuqo shacabka ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool eek u nool deegaanada Puntland.

Malaaq Deeroow ayaa tilmaamay in madaxda Puntland ay kala hadlayaan sidii dhibaatada loogu joojin lahaa shacabka ka soo jeeda gobolada Koofureed isla markaana ay si nabad galyo ah ugu noolaan lahaayeen deegaanada Puntland.

Waxa uu Madaxda Puntland ka codsaday in ay ilaaliyaan daris wanaaga iyo nabad ku wada noolaanshaha labad shacab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-