DHAGEYSO:- Madax ka tirsan Dowladda oo ka qaybgashay Salaad roobdoon ah oo maanta Muqdisho lagu qabtay

0

Isku soo bax roob doon ah ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana isku soo baxan ka qeyb galay xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Barxadda Masjidka Isbaheysiga ayaa lagu oogay salaada roob doonka ah.

Waxaana halkaasi isugu yimid wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya, Culimada iyo qeybaha kale ee bulshada ku nool Muqdsiho.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dowladda federaalka Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi oo salaada roob doon kadib warbaahinta la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay badiyaan towbat keenka Alle.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiirka arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa dhankiisa shacabka la dar daarmay.

HALKAAN KA DHAGEYSO