Tiro Hoobiyaal ah oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa ku soo dhacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xaafadaha u dhaw dhaw ee ku yaalla Degmada Warta-nabadda ee Magaalada Muqdisho.
Hoobiyaasha oo aan wali la sheegin halka laga soo tuuray ayaa waxaa intooda badan ay ku dhaceen Degmada Warta-nabadda,iyadoo aan la ogeyn Khasaaraha ay Sababeen.
Bishii February ee Sanadkaan ayaa Tiro Hoobiyaal ah oo ku soo dhacay Degmooyinka Warta-nabadda iyo Howlwadaag,waxaa ku dhintay Tiro Dadah,waxaana ku jiray Caruur isku Qoys ahaa.
Laamaha Ammaanka Soomaaliya kama hadlin Hoobiyaasha maanta ku soo dhacay Madax tooyada iyo Xaafaddaha u dhaw dhaw.
Hoos ka Dhageyso Wareysi qof sharaxaya sida ay wax u dhaceen:-