Kooxda Al Shabaab ayaa maanta illaa 3 qof waxa ay ku dileen deegaanka Buurgaabo ee Gobolka Jubbada Dhexe, sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.
Dadkaan la dilay ayaa ku howlanaa jarista dhirta Dhuxusha laga sameeyo taas oo Al Shabaab ay horay u mamuuceen, waxaana dadkaan horay loogu jeediyay digniino sida la sheegay.
Al Shabaab ayaa wacad ku maray in ay tallaabo ka qaadayaan dadka ku howlan jarista dhuxusha ama dhoofinteeda intaba, waxaana taas ay cabsi galisay dad badan oo horay kaga shaqeesan jiray jarista dhuxusha.
Kooxda Al-Shabaab ayaa ayagu horay u dhoofsan jiray dhuxusha xiligii ay maamulayeen dekada magaalada Kismaayo laakiin waxay amarkaan soo rogeen markii ay isugu tageen deegaanada Miyiga ah oo laga saaray magaalooyinkii waawaynaa.
Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa horay u mamnuucday noofinta Dhuxusha iyo jarinta dhirta intaba, waxaana horay dhowr mar eedeyn loogu jeediyay arimahaan maamulka Jubbaland iyo ciidanka kenya ee kismaayo jooga.