Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay ka dhacday deegaanka Cabdi-Dhoore oo 30 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, waxaana duqeyntaasi ay geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan inta aysan duqeynta dhicin in ciidamo Mareykan ah iyo Soomaali ah ay lug ku galeen deegaanada Xaar-Xaar-ka iyo Cabdi-Dhoore halkaas oo ay ku sugnaayeen ururka Al-Shabaab sida la sheegay.
Waxaana dhowaanahan gobolada qaar sidan oo kale looga fulinayay duqeymaha nuucaan oo kale ah, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in bilaabeen howlgal ka dhan ah ururka Al-shabaab.