Waxaa Magaalada Muqdisho lagu daahfurey Isbaheysi loogu Magacaderey Isbaheysiga Rajada Soomaaliya ,waxaana Furitaankiisii ka qayb galey Qaybaha kala duwana ee Bulshada iyo Bahda Saxaafadda kale .
Ugu horeyn axaa halkaa ka Hadley islamarkaana Faahfaahin ka bixiyey Ishabeysiga Rajo Cabdicasiis Maxamuud Maxamed oo ka mid ah Aas Aasayaasha Isbaheysiga , waxaana uu sheegey in Ujeedka loo Furey Isbaheysiga rajo ay yahay in Qiimeyn uu ku sameeyo dadka Soomaaliyeed ee dadkooda wax u qabtey
“ Isbahesiga Rajo kuma shaqeeyo Qabiil, Siyaasad , Koox, iyo Wixii la mid ah wuxuu u taagan yahay in uu Bulshadiisa wax u qabto “ ayuu yiri Cabdicasiis oo sheegey in in Bilooyinka soo socda uu qiimeyntaas bilaabi doono islamarkaana Bisha Ogoosto uu ku dhawaaqi Cida ku guuleysatey Abaalmarintaas oo ah mid aad u qiimo badan isagoo dhinaca kale ugu baaqey Bulshada Somaaliyeed in ay u gurmadaan dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha Saameeyeen
Xubihii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Diini Maxamed Diini Maxamed oo ku hadlayey Magaca Dalladda SOSCENSA waxaa uu sheegey in Bulshada Rayidka ay so dhaweynayaan Isbaheysiga Rajo oo uu ku tilmaamey mid Bulshada wax weyn u qabanaya dhinaca kale waxaa uu Baaq u jeedisyey Dhamaan Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta in ay ka qayb qaataan u Gurmashada dadka Abaaraha saameeyeen.
Maxamed Maxamuud Ducaale oo Xubin ka ah Isbaheysiga Rajo waxaa uu sheegey in dadka Soomaaliyeed marka ay Fikirkooda isku darsadaan ay wax badan qabsan karaan waxaa uu intaas raaciyey “ Isbaheysiga Rajo waxaa uu qiimeyn doonaa oo uu Abaarmain siin doona Cid kasta oo dalkaan iyo dadkaan wax u qabta”
“ Soomaaliaya waxy leedahay Saddex Boqol oo Waadi kuwaa oo soo rogo Biyo badan waa Nasiibdaro in Biyahaas aan laga faaiideysan “ ayuu yiri Maxamed Ducaale oo sheegey in Bulshada looga baahan yahay in ay la yimaadaan hal abuur ay dalkooda ku dhistaan
Xaali Cali Siyaad oo ah Gudoomiyaha Haweenka Magaalada Birmingham ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegtey in ay Dhinacooda ay soo dhaweynayaan Isbbaheysiga Rajo , waxayna Balan qaadey in ay Dadka Somaaliyeed ee ku nool Dibadaha ay gaarsiin doonaan waxay sii raacisey “ Waa markii ugu horeysey ee aan maqlo Isbaheysi aan lahayn wax Xafiis marka waa in aan Raacnaa oo aan la shaqeynaa “
Ugu Dambeyn waxaa Magaca Saxaafada u Hadley Ismaaciil Khaliifa oo halkaa ka balan qaadey in Bahda Warbaahinta la shaqeyn doonaan Isbaheysiga Rajo wixii Warbixin ahna ay siin doonaan oo ku saabsan Xaalada Dalka Soomaaliya
Hal ku dhiga Rajo waa “ Soo Nooleynta Dalkeennii Burburey” “ Dib u soo eegista Dareenka Dadweynaha” “Daris Wanaag iyo Nabad lagu Diirsado” “Dadaal iyo Dulqaad Daruuf kastoo nala soo derista” “ Danyartoo Dulmiga Daaliyey laga daayo” “ Danta guud oo loo wada dadaalo” “ U danqashada Dalkeenna Dihin”.
Hoos ka Daawo Muuqaalka:-