Guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur yare ayaa warbaahinta u sheegay in la aqoonsaday halka uu kasoo jeedo qofkii saaka isku qarxiyey Xisaabihii Gobolka Mudug Alle ha u naxariistee Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare), kaas oo qaraxa lagu dilay isaga illaa 7 ruux oo ilaaladiisa u badan.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaan waxaana Afhayeenka dhanka Howlgalada ee Al-Shabaab Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo la hadlay idaacadda Andalus oo ku hadasha Afka Al-Shabaab uu sheegay in qaraxa ay la heleen saraakiil katirsanaa maamulka Puntland oo bartilmaameed u ahaa Mujaahidiinta, waa siduu hadalka u dhigay.
HALKAAN KA DHAGEYSO GUDDOOMIYE KU XIGEENKA LABAAD EE GOBOLKA MUDUG AXMED MUUSE NUUR YARE