Ciidamada ilaalada duur joogta ee dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay libaax kasoo baxsaday xarunta lagu xannaaneeyo xayawaanka ee Nairobi National Park, kadib markii uu dhaawac u geystay nin mooto watay. Ninka mootada watay ayaa la dhigay Isbitaalka, oo hadda xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.
Arrintaan ayaa timid 2 asbuuc kadib markii libaax kale oo ka baxsaday xarunta Nairobi National Park lagu qabtay wadada Mombasa Road, kadib markii uu qof dhaawacay. Waxaa hadda walaac xooggan muujinaya dadka shacabka ah ee ku dhaqan agagaarka xarunta xayawaannada lagu xannaaneeyo ee ku taalla xaafadda Langata, maadaama ay si is daba joog ah libaaxyada halista ah uga soo baxsadaan halka lagu xannaaneeyo.