TOOS U DHAGEYSO:- AMISOM oo 48-Saac gudahood amar adag ka soo saartay Beledweyn iyo Kooxaha hubeysan aan dowlada aheyn oo la baacsanayo

0

Shir ay soo qaban qaabisay AMISOM loogana hadlayay Amaanka Gobolka Hiireaan ayaa waxaa uu ka dhaca magaalada Baladweyne ee Xaunta Gobolka Hiiraan.

Shirkan,waxaa ka qeyb galay Ciidamada AMISOM iyo maamulka Gobolka Hiiraan,waxaana looga hadlayay sida lagu xalinayo Amaanka Magaalada Baladweyne oo ay ku soo bateen Ciidan xiran dharka Dowladda kuwaas oo ah Ciidan beeleed.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Xagar ayaa sheegay in Ciidamada aan ka tirsaneyn Dowladda ee hubeysan looga baahan yahay in laga saaro magaalada.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka AMISOM ee qeybta 4aad ee Gobolkaasi Hiiraan Korneel C/Raxmaan Cabdow Cabdi iyo Taliyaha AMISOM ee Jabuuti Korneel Xasan Jaamac ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka Maamulka sidoo kalena ay qeyb ka qaadanayaan fulinta howshaaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in Ciidanka Dowladda iyo kuwo Maleeshiyaadka ah aan la kala garan Karin sidaa darteedna loo baahan yahay in Ciidamada Beelaha ay ka baxaan Magaalada.

HALKAAN KA DHAGEYSO