Taliska Ciidamada Xooga dalka Somaliya Qaybta 60-aad ee Gobolka Baay, ayaa si cad amar waxa ay ugu bixiyeen in la toogto ninkii Shabaab ka tirsan oo ciidamada Xooga dalka Somaliyed ay gacanta ku dhigeen.
Amarkaan ayaa waxaa bixiyay Ismaaciil Khaliif Jire Abaanduulaha Qaybta 60-aad ee ciidanka Xooga dalka Somaliyed, mar uu kula hadlaayay ciidamada Xerada Daynuunaay ee Gobolka Baay oo booqasho uu ku tagay.
Abaanduulaha ayaa sheegay Askari kasta oo ka tirsan Qaybta 60-aad ee ciidamada Xooga dalka Somaliyed in laga doonaayo fulinta amarkaasi, maadaama sida uu sheegay Shabaab aysan laheyn wax axsaan ah.
“Cadoowgeena waa UGUS iyo wixii la halmaana, nin Shabaab ah hadii aad aragtaana xitaa midka la halmaala oo wax u sheeg sheega aniga dhankeyga dil ayuu uga qoran yahay idinkana amar ayaan idiin siinayaa waa inaad dishaan.” Ayuu yiri Abaanduulaha ciidamada Xooga dalka qaybta 60-aad.
Abaanduulaha ayaa sheegay Shabaab inay adeegsadaan dhalinyaro yar yar oo la qalday, kuwaasi oo ah kuwa waalidkooda ka soo dhuuntay ama laga soo afduubtay, isaga oo sheegay inaan si naba loo cafin doonin Shabaabkii ciidamada ay qabtaan.
Inta badan ciidamada Xooga dalka Somaliya ragga Shabaabka ah ee gacanta ku dhigaan ayaa waxaa loo gudbiyaa Maxkamada ciidamada Qalabka sida oo go’aan ka gaarta waxa laga yeelayo qofkaasi Shabaabka ka tirsan.