Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in lagu kala Kacay Kulan u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif,kaas oo ka soconayay Magaalada.
Ugaaska ayaa la sheegay inuu ka biyo diiday Talooyin uu soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in la dhameeyo Khilaafka ay Waxgaradka Reer Hiiraan ka tabanayaan Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo Warbaahinta kula hadlay Baledweyne ayaa sheegay in Natiijo la’aan uu ku soo dhamaatay Kulan Markii Labaad ay iskugu yimaadeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Waxgarad uu Hogaaminayo Ugaaska.
Dhanka kale waxaa Istaagay banaanbax maanta ka dhacay Magaalada Baledweyne oo looga soo horjeeday Wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan Magaalada Baledweyne,iyadoo Dibadbaxaasi ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex Qof oo Shacab ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Baledweyne u tagay Xal ka gaarista Waxgaradka Reer Hiiraan ee diidan tagitaanka Magaalada Jowhar.
Hoos ka Dhageyso Codka:-