Maamulka degmada Gaalkacyo ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta waxa ay deeq isugu jirtay dhar, kabo iyo agabyo kale waxa ay gaarsiiyeen maxaabiistii ka tirsaneeyd Al-shabaab oo ay ku soo qabteen dagaaladii ay ciidamada maamulka Galmudug ay la galeen Al-shabaab.
Duqa dagmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa tilmaamay in deeqdan dharka ah ay tahay mid ay ugu talagaleen maxaabiista, si loo ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin dadka lagu qabto dagaalada.
Dhanka kale magaalada Gaalkacyo ayaa lasoo gaarsiiyay ilaa iyo 14 maxbuus oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Hoos ka Daawo Sawirada:-