Warar laga helay Ilo ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaraha ayaa sheegaya in socdalka Ra’iisul wasaare sharmarke ee Garoowe uu ku gaarayo maanta oo jimce ah ay la xiriiro sidii uu madaxda Puntland ugala hadli laha qadashada 4.5 oo weli ay ka biyo diidantahay Puntland.
Cumar C/rashiid oo ay socdalkiisa ku wehliyaan Wasiiro iyo xildhibaano ayaa wada qorshe uu ku qancinayo Madaxda Puntland inay ka soo kacan halka ay taganyihiin isla markana la qatan qorshahooda nidaamka 4.5.
lama oga go’anka PL ay ka qadanayso arrintaas inkastoo ay meel adag ka tagantahay in ay la qadato hindisaha DFS xili Shacabka iyo madaxda Puntland ay ka diideen qadashada hindisahaas beesha caalamka.
Dowladda federalka ayaa wadda qorshe kale oo ay doonayso in ay Puntland ugu badasho mowqifkeeda hore, sidoo kale waxaa la filaya in Ra’iisulwasare sharmarke uu la kulmo dhanka dhaqanka Puntland inta uu joogo garoowe oo iyagana dhinac adag ka taagan nidaamka 4.5 lana mowqif ah madaxda Puntland.