Kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ama IS ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxyadii gil gilay magaalada Brussels ee dalka Belgium.
War qoraal ah oo ka soo baxay IS ayaa lagu sheegay in qaraxyada ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Zaventem Airport iyo xarunta tareenada dhulka hoostiisa mara ee bartamaha magaalada Brussels.
IS ayaa sheegtay in weeraradaas ku dishay in ka badan 230 ruux, waxaana ay sababeysay weerarkaas inuu jawaab u ahaa in dowladda Belgium ay qeyb ka tahau xulufada uu hogaamiyo Mareykanka ee dagaalka kula jira IS.
Sidoo kale IS ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in weeraradaas u adeegsaday aalado qarxa iyo qof xirnaa jaakadaha qarxa oo isku miidaamiyay goobta laga raaco Tareenada dhulka hoostiisa.
Qaar ka mid ah warbaahinta Belgium ayaa sheegtay in meydka mid ka mid ah kooxihii weerarka ka dambeeyay laga ag helay qori.
Illaa 31 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyadaas, halka in ka badan boqol ruux ay ku dhaawacmeen.
Weerarada kadib waxaa xaalad deg deg ah lagu soo rogay Magaalada Brussels, iyadoo la xiray dhamaan garoomasa diyaaradaha, xarumaha tareenada dhulka hoostiisa mara.
Belgium ayaa sare u qaaday heerka qatarta argagixiso, iyadoo loogu baaqay dadka inay guryahooda ku negaadaan isna dejiyaan.
Saddex maalmood oo baroor diiq Qaran ayaa lagaga dhawaaqay Belgium.
Madaxda qaar ka mid Caalamka ayaa cambaareeyay weeraradii ka dhacay Brussels, waxaana ay u balanqaadeen Belgium inay garab taagan yihiin.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA