Gudoomiyaha degmada Cadaado C/laahi C/raxmaan Tootoole ayaa waxa uu sheegay in deegaano ka tirsan Galmudug ay ciidamada Itoobiya ka rarayaan dadka halkaasi ku noolaa, isagoo intaa ku daray in deegaanadaas ay ka mid yihiin kaxandhaale iyo kuwo kale.
C/raxmaan Tootoole ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Itoobiya ay dadka ka guurinayaan meel ka sokeysa 35-km xuduudka Soomaaliya.
Waxaana uu sheegay hadii federaalka iyo xuduudaha Soomaaliya laga shaqeyn lahaa in aysan dhici laheyn arintaasi
C/laahi C/raxmaan Tootoole Gudoomiyaha degmada Cadaado ayaa hadalkan ka sheegay kulan aqoon isweydaarsi ah oo ay gudiga xuduudaha qaranka ay dadka halkaasi ku nool ay uqabteen.
HALKAAN KA DHAGEYSO