Maamulka Isbitaalka Madiina ayaa ka hadlay Dab Saaka arootii ka kacay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.
Agaasimaha Isbitaalka Madiina oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha Isbitaalka ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay Dabka ka kacay Isbitaalka.
Waxaa uu sheegay in qeybta Saallada ee Isbitaalka aysan waxba ka bad baadin,islamarkaana ay bas beeleen oo uu dabku saameeyay.
Agaasime Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan garaneyn waxa sababay Dabka,waxaase uu raaciyay in ay wadaan baaritaan ay ku ogaanayaan waxa sababay dabka qabsaday qeyb ka mid ah Isbitaalka Madiina.
Hoos ka Dhageyso Codka:-