DHAGEYSO:- Wasaarada Amniga Koofur galbeed oo soo saartay qorshe lagu sugayo amniga guud ee deegaanada maamulkaasi

0

Wasiirka Wasaaradda  Amniga Maamulka Koofur Galbeed C/Fitaax Maxamed Geesey oo manta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhaba ayaa ka warbixiyay qorshe ay soo bandhigeen Guddiga Amniga Maamulka Koofur Galbeed, kuwaas oo uu dhawaan sameeyay Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sh. Aadan.

C/Fitaax Geeseey waxaa uu sheegay in Guddiga ay soo jeediyeen qaadista Isbaarooyinka u yaalla Ciidanka Qalabka sida,in la qaado howlgal ka dhan ah Al-shabaab iyo in Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed laga tala geliyo sugidda amniga Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in Odayaasha ay ka aqbaleen aragtidaasi,sidoo kalena madaxweynaha Mamaulkaasi Shariif Xasan ayuu sheegay in uu aqbalay Qodoabada ay soo jeediyeen ee la xiriira sugidda Amaanka Maamulka Koofur Galbeed.

Guddiga oo ay muddo Todobaad ah ku qaadatay arrintan ayuu sheegay in soo jeedintooda ay hadda u taallo kaliya in Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed in uu wareegto ku soo saaro xilliga la qaadayo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay sameeynayaan Koofur Galbeed iyo qaadista Isbaarooyinka Yaalla Gobollada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka:-