Wararka naga soo gaaraya argagixisada Al shabaab ee ka dagaalamaaya Togga Suuj ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay Sameeyeen mid ka mid ah falalka gurac ee ay kula kacaan Shacabka rayidka ah, iyagoona afduub u geeystay 3 Qoys oo ka kooban 20 Ruux oo isugu jira Haween, caruur & Dad waayeel ah, waxaana xogta laga helay laba ka mid ah dadki la afduubtay oo soo baxsaday.
Cabdulqaadir Cabdulaahi oo ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa ka waramay dadka la afduubtay, waxaana uu noo sheegay in xogta ay ka heleen dadkii soo baxsaday ay sheegay in ilaa 12 nin ay guriga Reerka tageen kadibna iyagoo jooga ay Ciidanku ka gareen kuwaas oo haatan ku hareeraysan.
Dhinaca kale Cabdulqaadir ayaa sheegay in Kooxda ay tahay mid naf lacaari ah ayna maalmihii ugu dambeeyay godoonsanaayeen aysna helin cuno marka laga reebo biyaha Togga ceelashiisa ay ka cabayaan.
Saraakiisha Puntland ee hogaaminaysa dagaalka Argagixisa ee ku sugan Togga Suuj ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay inay dadaal ugu jiraan sidii loosoo badbaadin lahaa dadka reer guuraaga ah.
Isku soo wada duuboo Argagixisada Al Shabaab ayaa ah iminka ah kuwo wax walba oo tacadi ka dhan ah shacabka laga filan karo.