Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in xafladii Gabagabada Shirka Dib u Heshiisiinta Jubbaland iyo Heshiiska Taariikhiga ah ee la gaaray Khilaafkii Jubbaland ee lagu waday inay dhacdo maalinimada Sabtida ah ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay dib ugu dhacday maalinta Axada.
Warkan aan ka heleyno Ilo wareedyadeena ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Xafladii lagu waday inay maalinta beri ah ka dhacdo magaalada Kismaayo ay dib u ugu dhacday maalinta Axada ah.
Dib u dhaca Xaflada Heshiiskii Taariikhiga ahaa ee Jubbaland ayaa waxaa ilo wareedkeena ay inoo sheegeen inay sabab u tahay wafuudi caalami ah oo lagu wado inay soo gaaraan magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan xafladaasi.
Wafuuda lagu wado inay soo gaaraan magaalada Kismaayo ayaa waxaa ugu horeeya Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo.
Dhinaca kale waxaa sidoo kale soo gaaraya magaalada Kismaayo wafuud ka socota Midowga Yurub iyo urur goboleedka IGAD oo iyaguna ka qaybgalaya xaflada heshiiska Jubbaland.
Isku soo wada duuboo waxaa sidoo kale magaalada Kismaayo ku qulqulaya Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Caan ka ah gudaha Soomaaliya si ay uga qaybgalaan xaflada Heshiiska Jubbaland, waxaa lagu wadaa in maalinta Axada ah ay dhacdo xaflada Heshiiska Jubbaland taas oo xataa dadka intiisa badan ay sugi la’ayihiin.