Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland aysan u baahneyn Ciidanka AMISOM ee jooga koofurtda Dalka.
Gaas,waxaa uu sheegay in Puntland ay isku filantahay islamarkaana aysan jirin baahi ciidan oo maamulka Puntland uu uga baahan yahay AMISOM.
Waxaa uu sheegay in Puntland ay ka mid tahay Soomaaliya una baahan tahay kaalmada ay helaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya,Max’ed Cumar Carte ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay geyso Ciidamo ka tirsan AMISOM haddii looga baahdo Puntland.
dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland,waxaa uu beeniyay Hadal ka soo baxay Wasiirka Wasiirka Amniga Maamulkiisa Puntland, Qarjab oo Xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay iyada ka dambeyso Al-shabaabka weeraray Puntland.
Gaas,waxaa uu sheegay in Al-shabab ay Cadow ku yihiin Puntland iyo Dowladda Federaalkaba islamarkaan aaysan suura gal ahayn in ay taageerto Dowladda Soomaaliya,waxaana uu ku baaqay in ay wadajir ula dagaallamaan.
HALKAAN KA DHAGEYSO