Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan garoonka diyaaradaha Magaaladaasi ayaa dadka loo soo qabtay waxaa ka mid ah Sarkaal ka tirsan Hay’adda CRD.
Sarkaalkaan oo aan weli la cayimin magaciisa ayaa la sheegay in lala xiriirinayo qarax Computer Lap Top ah loo isticmaalay oo dhawaan ka dhacay Kontaroolka koowaad ee Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Gobolka Hiiraan.
Warar ay heleyso Shabelle ayaa sheegaya in durba sarkaalkaasi lagu soo wareejiyay Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed islamarkaana la keenay Mgaalada Muqdisho.
Sarkaalkaan ka tirsan hay’adda CRD ayaa loo heystaa in uu isagu lahaa Computer-ka qarxay.