TOP NEWS:- Maraykanka Oo Sheegay In Al Shabaab Ay Weli Khatar Ku Tahay Ammaanka Gobolka.

0

Dhaqaale Dhimista iyo Hirgelinta Cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa u muuqaneysa in Al Shabaab ay ka sii qaadayaan fir fircooni hor leh iyagoo hadda wada in ay dib si xoogan isagu abaabulaan.

Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga dalka Maraykanka ayaa sheegay in xittaa haddii dhawaan diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay duqeymo xoogan ka fuliyeen deegaanno Koofurta Soomaaliya ay kaga sugnaayeen Al Shabaab ay weli kooxda Khatar weyn ku tahay ammaanka Gobolka.

Dadaalada ay wadaan Al Shabaab ayaa waxa ay keentay in dib u qaabeyn lagu sameeyo howlgalka AMISOM  oo iyagu ka kooban dhowr dal ee ka socda dalalka Africa sidaas waxaa sheegay General David Rodreguez oo ah taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Africa.

Maraykanka ayaa lacag gaareysa illaa 600 Oo Million oo dollar ku bixiyay dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab wuxuuna sanadkii hore ku dhawaaqay 100 million oo dollar oo dheeraad ah ee lagu xoojinayo sirdoonka ilaalinta Xadka iyo weliba qalab iyo tabbaro la siiyo laamaha ammaanka ee dalka Kenya iyo Soomaaliya

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa  dhawaan weeraro dhinaca cirka ah oo khasaaro geystay ka fuliyay 2 deegaan oo ay ku sugan yihiin Al Shabaab kuwaas oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya.