Qarax ka dhacay Degmada Afgooye iyo Ciidamada Dowlada oo Waxyeelo ka soo gaartay

0

Ugu yaraan sideed qof oo isugu jira ciidanka dowladda hoose iyo dad rayid ah, ayaa ku dhaawacmay duhurnimadii maanta qarax ka dhacay suuqa qudaarka ee degmadda Afgooye.

Qaraxa ayaa ahaa nooca dhulka lagu aaso, oo la dhigay meel ay ciidanka fadhiisan jireen.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid afar askari oo ka tirsan ciidamadda dowladda hoose, iyadoo markaa dabadeedna rasaas ay ciidanka fureen ay ku dhaawacmeen dad rayid ah.

Ilaa hadda majirto cid sheegatay qaraxan, waxaase weerarada noocaan oo kala ah ciidamadda dowladda iyo kuwa Amisom la beegsada Al-Shabaab.