Ciiddanka Dowlada Yeman oo gacanta ku dhigay dhulka ku hareeraysan magaalladda Tacis

0

Iska horimaad xooggan ayaa la sheegay inuu shalay ka dhacay Tacis oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta go’doomiyeen 9 bilood ka hor.

Dhimashadda ayaa la sheegay inay gaarayso ugu yaraan 40 ka tirsan Xuutiyiinta, 14 Ciiddanka Dowladda iyo 5 qof oo rayid ahaa.

Guddoomiyaha Tacis, Cali Almaamari ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP inay Ciiddanka Dowladda iyo Isbahaysiga Sacuudiga qabsadeen Galbeedka iyo Koonfurta ee laga galo Tacis.

Waxa uu tilmaamay in horumarkaasi horseedayo in Gargaarka Samafalka iyo Daawooyinka la gaarsiiyto 200,000 oo qof oo ku go’doonsan magaalladda Tacis oo ah magaalladda 3aad ee ugu weyn dalka Yemen.