AKHRISO:- Maamulka Puntland oo amaro ka soo saaray amaanka Garoonka magaalada Gaalkacyo

0

Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulka Puntland amaro cusub uu kusoo rogay garoomada ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Garoonka Cabdulaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu dhajiyay warqado looga digayo dadka rakaabka ah iney boorsooyinkooda ku qaataan Labtop iyo agabyo kale.

Amarka kasoo baxay taliska amaanka ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in dadka loo baahan yahay iney u hogaansamaan amarada, ayna baraan goobaha baaritaanada.

Hoos ka Akhriso Warqada:-

WARQADA-AMNIGA-716x1024