Maamulka Gobolka oo la yimid Qorshe cusub oo amniga lagu sugayo

0

iyadoo Amaanka caasimada Soomaaliya lagu wareejiyay maamulka Gobalka Banaadir ayaa waxaa magaalada ka bilawday qorshe cusub oo ay calanka u wadaan maamulka gobalka Banaadir kaasoo ah in la tiriyo tirada ciidanka ka howlgala muqdisho si amaanka wax looga badalo.

Qorshayaan ayaa waxaa si wada jir ah u wada maamulka gobalka iyo gudoomiyaasha degmooyinka gobalka banaadir waxaana durbadii bilawday madaxda in ay kormeer ku sameeyaan degmooyinka.

Kormerkan ayaa ujeedkiisu waxuu ahaa tirakoobka Ciidamada Degmo waliba ka howlgala iyo sugida amniga Gobolka Banaadir oo dhawaan la hoos geeyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhex nool unugyo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab kuwaasi oo qaarkood deegaan ku ah Degmooyinka, halka qaarna ay yihiin kuwo si dhuumasho ah weeraro uga geysta, kadibna isaga baxa.