Iyadoo Deeganada Galmudug ay ka Jiraan Abaaro Xoogan oo saameyn wayn ku Yeeshay Dada u nool deganada Qaar ayaa Waxa hada Abaar midii ugu xooganayd Laga soo Sheegaya in ay ka jirto Deeganka Docol Kadib markii Maamulka Degankaasi uu arintan shaaca ka Qaaday.
Gudoomiyaha Deeganka Docol aya Shegay in degankaasi ay ka jirto Abaar Xoogan taasi oo uu shegay in ay saameyn wayn ku yeelatay dadka deganka iyo sidoo kle dadka ku nool miyiga degankaasi waxana uu shegay in abaartan ay tahay mid xiligan ay dadka deganka ay aad u hadal hayan isla markana deganka si wayn loga dareemay.
Waxa uu shaaca ka qaaday in maamulka galmudug ay codsi u direen balse aan jirin cid codsigaasi ka soo jawaabtay waxana uu shaaca ka qaaday in hay,adaha samafalka iyo maaulka galmudug ay ka gaabiyeen sidi dadka abaaruhu aay saameyeen wax loogu qaban lahaa.
HALKAAN KA DHAGEYSO