DHAGEYSO:- Ragii ka dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Beydhabo oo Warbaahinta loo soo bandhigayo

0

Maamulka koofur Galbeed ayaa sheegay iney dhawaan soo bandhigayaan dad loo qabqabtay qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Mahad C/raxmaan Warsame, taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Baay oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in baaritaano ciidamada ay sameeyeen lagu soo qabtay dad lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen qaraxyadii ka dhacay Baydhabo.

Dadka lasoo qabtay ayuu sheegay iney baaritaano ku sameeynayaan hayadaha amaanka dhawaana lasoo bandhigi doono, sida uu sheegay taliyaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay iney sii wadi doonaan baaritaanada amaanka lagu xaqiijinayo si looga hortago falal amni daro oo ka dhaca magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Dhawaan qaraxyadii ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sababay dhimashada ku dhawaad 33 ruux iyo dhaawaca intaasi ka badan, waxaana masuuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-