Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Qurba joogta SOomaaliyeed in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira gudaha dalka iyaga oo Lacago u ururinaya horumarinta Dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud oo ka qeyb galaayay Shirka dib u eegista Amniga Muqdisho sidoo kalena ay ka qeyb galeen Madaxda labada Gole ee Dowldada, Gudomiyaha Ggobolka Banaadir, Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Boolsika iyo Nabad sugiida iyo madax kale.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaliya Xasan Sheekh Max’uud oo khudbad dheer oo dhinaca amniga taabanaysa ka jeediyay munasabadda ayaa shegay in dadka Qurbaha jooga ee Tiradoodu gaareyso 2Milyan ee Soomaalida ah haddii ay Bishii qof waliba bixiyo Hal dollar wax badan u tareyso Dalka Soomaaliyeed.
Waxaa uu ugu baaqay in ay sameystaan Ururro iyo dad gaar ah oo ay ku aamini karaan Lacagtaasi islamarkaana Bil kasta gaarsiiya Dalka Soomaaliyeed si loogu horumariyo.
Hoos ka Dhageyso Codka:-