XASAASI:- Axmed Daaci oo sheegay in Maamulka Degmada Wadajir ay doonayaan inay dilaan isagoona carabka ku dhuftay qofka soo abaabulay weerarkaasi

0

Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow ayaa sheegay in Ciidamo maamulka degmadaasi Wadajir ka tirsan xalay rasaaseeyeen gaarigiisa uu marayay gudaha degmada Wadajir.

Axmed Daaci ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday gaarigiisa uu ka dambeeyo guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Wadajir hayeeshee uusan isagu xilligaas la socon gaariga.

Sida uu sheegay Guddoomiyihii hore ee maamulka Degmada Wadajir Axmed Daaci waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah Darawaladiisa.

Ugu dambeyn ayuu sheegay Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Wadajir in meesha lagu weeraray xittaa aysan ahayn goob wax lagu baaro balse si ku tala gal ah gaarigiisa loo weeraray.