Ciidamo Itoobiyaan oo wata Gaadiid Dagaal oo aad u badan ayaa Galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta u ah Gobolka Galgaduud,waxaana ay Fariisimo Cusub ka sameysteen Magaalada.
Goobjoogeyaal ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa noo sheegay in Ciidamada gaaray Magaalada ay Fariisimo Cusub ka sameysteen Bariga iyo Waqooyiga Dhuusamareeb.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee tagay Degmada Dhuusamareeb ayaa ka baxay Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan sida Wararku ay sheegayaan.
Sababta ka dambeysa tagi taankooda Magaaladasi ilaa hadda lama Oga,balse Magaalada Shalay waxaa ka dhacay Dagaal Culus oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay.
Magaalada Dhuusamareeb horay waxaa u joogay Ciidamo Itoobiyaan ah,kuwaas oo Fariisinka ugu weyn ku lahaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb.