DHAGEYSO:- Masar oo 25 kadib ogolaatay Xoolaha Soomaaliya

0

Dowladda Masar ayaa mudo 25 sano kadib dib u fasaxday in dalkeeda si toos ah loogu  dhoofiyo xoolaha Soomaaliya, waxaana Maanta Kanaalka Suways ka dhacaysah xaflad balaaran oo lagu daahfurayo xoolaha soomaaliya ee Masar tagayah.

Xafladda lagu daah-furayo dhoofka xoolaha Soomaaliya ee dalka Masar ayaa waxaa ka qayb-galayaha Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Masar iyo ganacsato Masaari ah.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sameeyeen kadib ay ku guulaysteen in Masar ay mudo 25 sano kadib ay dib u fasaxdo in xoolaha Soomaaliya ay toos u tagaan dalka Masar.

Xoolaha Soomaaliya ayaa tagi jiray dalka Masar marka ay soo maraan wadamada kale ee khaliijka waxaana uu sheegay wasiirku intaasi ay meesha ka baxday oo xoolaha Soomaaliya ay si toos ah u tagayaan dalka Masar.

Wasiirka ayaa dhankale ka waramay shir looga hadlayey sidii Imaaraadka carabtu uu xayiraada uga qaadi lahaa Xoolaha Soomaaliya oo uga qayb-galay Magaalad Dubia waxaana uu sheegay in shirkaasi lagu go,aamiyey in Imaaraadku uu xayiraada ka qaado xoolaha Soomaaliya waxaana loo saaray guddi labada dhinac ah oo arintaas ka shaqeeya sida uu wasiirku sheegay,waxaana uu intaa ku daray in dhawaan ay dalka imaan doonaan dhaqaatiir ka socota Imaaraadka si ay baaris ugu sameeyaan Caafimaadka Xoolaha Soomaaliya.

Xoolaha Soomaaliya ayaa tagi jiray dalka Masar kadib marka ay soo maraan wadamo kale oo carbeed.waxaana arrintan ay wax badan ka tari kartaa Dakhliga Soomaaliya ,maaddaama Soomaaliya ay ka mid tahay Waddamada dhoofka Xoolaha inta badanna geeya Khaliijka Carabta.

HALKAAN KA DHAGEYSO